Tuesday, December 18, 2012

Faaqidadaada Arimaha Tiknoolajiyada Booramaonline Wax ka baro ...

Tan iyo markii uu xoogeystey casriga isticmaalka Internet-ka waxaa hareer socota halista iyo hoogga ka aloosan adeegsiga technology-da casriga ee Internet-ku sahley ee dunida ka dhigtey hal xaafad oo dadku ku kala warqaadan karaan daqiiqado gudahood.

Kooxaha tuugada Internet-ka oo ku kala firirsan dunida dacaladeeda ayaa maalin walba waxay falkinayeen (hindisayeen) qaabab kala duwan oo ay ku qaadi karaan weeraro xaga Internet-ka ah oo ay waxyeelo ugu geysanayaan bulshada, dawlaha iyo hay?adaha iyagoo? maraya aalada Interet-ka.

Labaatankii sano ee ugu dambeeyey ee uu soo xoogeystey adeegsiga Internet-ka waxaa sidoo kale xoogeystey burcadda Internet-ka, kuwaasi oo mahadho iyo jug culus la helay malaayiin qof oo dunida ku dhaqan iyagoo dhacay hanta iyo xogta shakhsiyadeed.

Inkastoo shirkadaha Internet-ka, kuwa farsameeya barnaamijyada ay ku shaqeeyaan Computer-da (software) iyo waliba dawladaha aduunka ay wadeen dagaal ba?an oo ka dhan ah kooxaha tuugada Internet-ka, hadana waxaa caal la?yahay sidii looga itaal roonaan lahaa shuftadan xoogaysatey ee hadba qiddo cusub la soo baxaysa.

Hadaba sanadkan bilihii ugu dambeeyey waxaa soo baxay nooc cusub oo ka mid ah weerarada tuugada Internet-ka, kuwaasi oo sameeyey hab ay lacago kaga sameeyeen boqolaal kun oo dhibanayaal ah oo ay afduub u geysteen Computer-dooda, waxaana loogu magac darey weerarkan ?Afduubka Computer-ka ama Computer? Hostage.

Kooxdan waxay Interent-ka ku dhex daayeen barnaamijyo ay ku qabsanayaan maskaxda Computer-da, iyagoo ka dhuumanaya barnaamijayada ay ku shaqeeyaan ama kuwa lagula dagaalamo virus-ka (Anti Virus), waxaana isla markiiba kuu soo dhacaysa digniin kuu sheegaysa in Computer-kaaga uu ku jiro halis ah in la soo weeraray, iyadoo digniinta uu ku siinayo anti Virus-ka xiligaasi kuugu jira Computer-kaaga maa fariin kale sida ?Trojan programme oo marka hore iska dhigaya dhigaya barnaamij nadiif ah ah oo ku wanaagsan isticmaalka Computer-ka, balse isku badala khatar xoogan oo xogta siisa weerarada Computer-da

?

.

Weerarkaasi wuxuu u dhacaa laba qayb: waa mida koowaade wuxuu si toos ah uga dhigayaa Computer-kaaga mid xiran(Lock), iyadoo ay kuu soo baxayso digniin shaashada oo dhan qabsanaysa, tan labaad wuxuu waydiisanayaa antivirus-kaaga in uu qabto weerarkan, marka aad isku daydo in aad tirtito si deg deg ah ayuu isla markiiba ku xanibayaa dhamaan hawlaha Computer-kaaga.

Weeraradan caynkan ah waxaa haatan loo aqoonsadey Ransomware, iyadoo loola jeedo afduubka Computer-da, waxaana ay iska dhigaan laamaha amaanka wadanka qofkaasi uu joogo gaar ahaan kuwa caalamiga ah, iyo waliba Booliiska.

Ilaa iyo hadda waxay tuugadan adeegsadeen magaca hay?adda dambi baarista Mareykanka ee FBI iyo Booliiska wadamo badan oo u badan qaarada Yurub, iyagoo iska dhigaya in aad ku gashay dambi Isticmaalka Computer-kaaga, isla markaana ay tahay inaad bixiso lacag ganaax ah oo ugu yaraan 100 doolar ah, hadii kale Computer-kaagu xogtiisa (data-diisa) la masaxayo.

Dalka Mareykanka gudihiisa kooxdan waxay adeegsadaan magaca iyo logo-da (astaanta) hay?adda FBI-da, halka wadamo badan oo ka tirsan Yurub & waliba dalal kale oo caalamka ka tirsan ay adeegadaan magaca & astaanka hay?ada amaanka sida Booliiska.

Qofka ay ku dhacdo arintan awood uma laha in uu Computer-kiisa furo, waxaana shaashada guud ahaan qabsanaysa digniintaasi, iyadoo si kasta oo qofku isku dayo in uu u furo Computer-kiisa aanu u haleyn awood, ilaa uu ka tirtiro ama ka masaxo Windows-da uu ku shaqeeyo Computer-ka taasi oo hadii aad sameyso ay meesha ka baxayso guud ahaan xogtii ama data-dii kuugu keydsaneyd Computer-ka.

Hadaba sidee ugu haboon ee looga horagi karaa tuugadan:

1:Ugu horeyn qofku waa inaanu argagixin oo aanu qalqalin isagoo aaminaya in Computer-kiisa uu ku galey dambi waase hadii uu nadiif ka yahay, iyadoo wadamo oo dunida ka dhisan ay ka jiraan wayxaabo badan oo dambi ahaan loo aqoonsan yahay hadii aad ku sameyso Computer-kaaga, taasi oo ku kala xiran hadba sharciyada la xiriira Internet-ka.

Fiiro gaar ah: Waxaan la soconaa in dad badan oo Soomaali ay ku kala sugan yihiin dunida dacaleeda hadaba waxaa haboon in bulshadeennu ay aad ula socdaan shuruucda dhanka Internet-ka ee dalalka ay ku nool yihiin.

2: In qofku had iyo jeer Computer-kiisu yahay mid nadiif ka ah virus, isla markaana aanu booqan website-yada xambaarsan sunta Internet-ka (spyware).

3: In anti Virus xayyi ah lagu shubo Computer-ka, hadii uu dhaco si deg deg ah loo badalaa, inta uu ku jiro Anti Virus-ka in had iyo goor la update gareeyo, la cusboonaysiiyo, iyadoo loo marayo habka Internet-ka iyo waliba xogtiisa aad ku iibsatey.

4: In hadii aad aragto fariin kugu cusub, e-mail aadan aqoon qofka soo diray (yacni wata magac aan aheyn dadka aad la xiriirto ama magacyo ajanabi) oo ujeedo shaki xambaarsan fahamsneyn (suspicious subject), aadan furin.

5: In aadan ka jawaabin fariimaha aad ka shakisan tahay sida kuwa xambaarsan xayeysiismaha ah in e-mail-kaagu? uu ku guuleystey lacag sida lottery winner iyo wixii la mid ah oo inta badan ah kuwa spyware oo tuuganimo salka ku haya.

6: In hadii aad u adeegsato Computer-kaaga ku bixinta biilasha Telefoonada, biyaha, Korontada, gaaska, kirada guryaha ama hadii aad Tigidhida diyaaradaha ku jarato aadan ku xafidin xogta Bangigaaga ama Card-kaaga Computer-ka, adigoo hadii aad u isticmaasho isla markiiba dooranaya qaybta ?Ha iigu xafidin? ama (Do Not Save).

Insha ALAAH, waxaan idiin soo gudib doonna macluumaad kale oo la xiriira dhibaatada kooxaha tuugada Internet-ka gaar ahaan virus-kan cusub Ransomware (Afduubka Internet-ka).

Source-Albc

Source: http://booramaonline.com/2012/12/17/faaqidadaada-arimaha-tiknoolajiyada-booramaonline-wax-ka-barovirus-ka-afduubka-computer-dadigniin-virus-dhex-mushaaxaya-net-ka/

madden 13 cover dalai lama tamera mowry slow jam the news madden cover obama slow jams the news metta world peace

No comments:

Post a Comment

Note: Only a member of this blog may post a comment.